Wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska Jubbaland oo manta qabatay maalinta ilaalinta deegaanka

936

 

Munaasabad Lagu xusaayey maalinta deegaanka ayaa manta lagu qabtay magaalada Kismaayo,waxaana soo qaban qaabisay wasaarada Deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland.
Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaarada Deegaanka iyo dalxiiska Mudane Caydiid Saleebaan Xaashi iyo gudoomiyaha degmada Kismaayo.
Gudoomiiyaha degmadaa kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf (Timo-Jilic ) ayaa sheegay deegaanada Jubbaland laga dhameeyey dhirtii iyo dhagaxii intiib,waxaana uu bulshada ugu baaqay in deegaanka la ilaaliyo.
Dhanka kale waxaa madasha kahadlay afhayenka saladinta dhaqanka Jubbanlad Ugaas Cumar Xirey,waxaana uu xusay in loo bahan yahay in la joojiyo jarista.
Ugo danbayn Wasiirka Deegaanka iyo dalxiska Jubanlad Caydiid Saleebaan Xaashi ayaa sheegay in shan sano ka hor laga Joojiyey in dhuxul laga dhufiyo laga joojiyey deegaanda Jubbaland,waxaa kale oo wasiirka uu sheegay in talaabo laga qaadi doono cidii lagu arko xaalufinta deegaanka.