Maryan Cumar Cali oo manta xilka gudiga barakacayaasha iyo qaxootiga ku wareejisay kuxigeenkeeda

1037

Gudoomiyaha Gudiga Barakacayaasha iyo qaxootiga Jubbaland Maryan Cumar CaliĀ  ayaa manta si rasmiya xilka ugu wareejisay Gudoomiye ku xigeenka Gudiga barakacayaasha iyo qaxootiga Maxamed Nuur Khadar oo xilkaas u sii hayn-doona si kumeel gaadh ah.

Wasaarada Arimaha gudaha,federaalka iyo dib u heshiisiinta JubbalandĀ  ayaa shaqada gudiga ka joojisay shalay Maryan Cumar Cali,ka dib markii todobadkaan bilowgiisi loo magacaabey Wasiir kuxigeenka wasaarada cafimaadka Jubbaland.

Wareegtada ka soo baxday wasaarada arimaha gudaha,federaalka iyo dib u heshiisinta ayaa lagu sheegay in xilka gudoomiyaha gudiga barakacayaasha iyo qaxootiga uu sii wadi doono ilaa iyo amardanbe.