Sadiiq Cabdi Saxane oo manta loo dhaariyey mid ka mida Kuraasta Barlamaanka Jubbalan.

911

Gudiga joogtada ah ee baarlamaanka dowlad goboleedka Jubblanad ayaa maanta kulan ku yeeshay magalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
waxaana shir doominayay gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Jubblanad Cabdi Baaley Xuseen u jeedka kulanka ayaa ahaa dhaarinta xilldhibaan Sadiiq Cabdi Saxane oo badali doona xilldhiban Cabdi Xasan Xiish oo hore ugu geeriyooday Magalada Kismayo.

Dhaarinta kadib ayaa waxaa warfidiyeenada kula hadlay goobta gudoomiyaha gudiga habdhowrka jubblanad Abshir Wayrax Kaariye.