António Guterres Oo Farriin Cusub U Diray Saamileyda Siyaasadda Ee Somalia

901

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Manuel de Oliveira Guterres  ayaa soo dhaweeyey Go’aankii ay Golaha Shacabka ee BFS shalay ku ansixiyeen Sharciga khaaska ee Doorashooyinka Federalka iyo in dib loogu laabto Doorashadda ee lagu heshiiyey bishii September 17-dii ee sanadkii hore ee 2020-kii.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM, Stephane Dujarric ayaa sheegay inuu Antonio Guterres ugu baaqay dhamaan Saamilayda Siyaasadda Somalia inay sida ugu dhaqsaha badan u bilaabaan wada-xaajoodyada iyo in la qabto Doorashooyin daah-Furan oo aan dib-u-dhac dheeraad ah lahayn.

António Manuel de Oliveira Guterres ayaa waxaa uu xusay muhiimadda uu heshiiska Is-afgaradka leh u yeelan karto Deganaanshaha dalka Soomaaliya.

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa waxaa shalay laaleen Muddo-kordhintii labada sano ahayn ee ay horey ugu codeeyeen, waxayna mar kale dib ugu codeeyeen in la sii ambaqaado Heshiskii 17-kii Sep oo ay horey u wada gaareen Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka.