Wasaarada Cafimaadka Jubbaland oo manta qabatay munaasabad lagu xusaayey ahmiyada talaalka.

714

Wasaarada Cafimaadka Jubbaland ayaa manta qabatay munaasabad looga Hadlaayey Isbuuca Talaalka Aduunka oo Sanadkiiba Mar la qabto.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin kalasocday wasaarada cafimaadka Jubbaland iyo Hay’adaha dhinaca cafimaadka kala shaqeeya sida hay’adda save The Children.

Madaxa Talaalka ee wasaarada Cafimaadka Jubbaland Cali Cabdullaahi Maxamed oo  ka hadlaayey munaasabada ayaa waxaa uu ka hadlay ahmiyada talaalka uu leeyahay.

Ugu danbayntii waxaa soo xidhay munaasabda Agaasimaha waaxda cafimaadka Cabdifataah Jaamac waxaana uu bulshada ku booriyey ahmiyada talaalka .