Jubbaland Oo War Kasoo Saartay Go’aamadii Kasoo Baxay Midowga Afrika

914

Dowlad Goboeedka Jubbaland ayaa War cusub kasoo saartay Go’aamada Shirkii dhawaan Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ka yeesheen xaaladda Cakiran ee Soomaaliya iyo dadaalada ay wado Beesha Caalamka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Dowalada  Jubbaland ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Go’aankii kasoo baxay Shirkii Midowga Afrika oo ay ku Cambaareeyeen muddo kordhintii Golaha Shacabka u sameeyay Madaxweynaha Waqtigiisa uu dhamaade Ee  Farmaajo.

Dowlada Jubaland waxay soo dhawaynaysaa dadaalada Saxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Golaha amniga Midowga Afrika ee 22 Abriil 2021, Waxaan aaminsanahay in heshiiska doorashada ee Sebtember 17 ay tahay wadada ugu macquulsan ee lagu gaari karo doorasho lagu kalsoonaan karo.