
Goobaha ganacsiga Magaalada Kismaayo iyo goobaha lagu caweeyo habeenkii ayaa xalay lagu soo rogay mandow ka bilaabmaayey laba saac oo fiidnimo.
Ciidamada Booliska Jubbaland oo Wattay baabuurta booliska oo u uku xidhan yahay alaada samaysay codka baaburta Gargaar deg deg ah ayaa gibi ahaanba xidhay suuqyada kala duwan ee magaalada Kismaayo,kuwaasi oo habeenkii lagu gaadhi jiray xili danbe.
Taliyaha qaybta booliska gobolka Jubbada hoose ayaa ka warbixiyey mandowgii xalay ka dhaqan magaaalada Kismaayo.
Codka
Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maalintii Jimcaha galinkii danbe xafiiskiisa ka soo saaray wareegto wax looga qabanaayo caabuqa coronavirus oo siwayn ugu faafay gudaha magaalada Kismaayo,iyadoona maalmihii aan soo dhaafnay ay siwayn u koradhay dadka u dhimanaya xanuunka.
Wareegto uu soo saaray madaxwayne ku xigeenka ayaa sidoo kale waxaa ku xusnaa in goobaha waxbarashada ee Jubbaland la xidho mudo la isbuuc ah taasi oo iyadana dhaqan gashay shalay.
Hay’adaha dowlada,Shirkadaha ganacsiga iyo waliba hay’adaha aan dowliga ahayn ayaa lagu amray in ay dhimaan shaqaalahooda tagaya xafiisyada ay ku leeyihiin magaalada Kismaayo.