Dowlad Goboleedka Jubbaland oo War Saxafadeed Ka Soo Saarte Xalada Gobolka Gedo

1071

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa War kasoo saartay Ciidamo, Hub iyo gaadiid dagaal oo shalay dowladda Federaaka Soomaaliya ka dejisay degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa waxa lagu sheegay in iyada oo xaalado abaareed ay ka jiraan Gobolka Gedo ay dowladda Federaalka Gobolkaas ka abuureyso Colaad, xili laga sugayay inay geyso Gargaar lagu caawiyo dadka.

Jubbaland ayaa nasiib darro ku tilmaamtay in dowladda Federaalka ay xiligaan adeg Ciidamo ku daabusho Gedo oo ay ka jiraan abaaro saameeyay dadka iyo doonaya, isla markaana ay jiraan dadka qaarkood oo nolosha ku adkaatay.

Dowlad Goboleedka  Jubbaland ayaa sidoo kale Madaxweyne Waqtigiisa dhamaade  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga digay Mas’uuliyada wixii ka dhasha Colaada uu ka hurinayo dowlad Goboleedka Jubbalahnd, ayna taas ku noqon doonto xadgub aan weligiis ka harin.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay