Madaxwaynaha Jubbaland oo ku wajahan magaalada Muqdisho.

746

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goordhow ka  degtay diyaarad siday wafti hordhac u ah safarka Madaxweynaha Dowlad gobleedka Jubbaland Mudane  Axmed Maxamed Islaam .

Diyaaradan ayaa siday Ciidanka Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Maxmed Islaam  iyo xubno kale oo la socday, waxaana la dejin doonaa sida uu qorshahu yahay qeyb ka mid ah Garoonka diyaaradaha.

Gelinka dambe ee Maanta ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Jubbaland iyo wafadi uu hoggaaminayo ay gaadhan  Magaalada Muqdisho, waxaana ay degi doonaan oo loo diyaariyay Xeyndaabka Garoonka diyaaaradaha ee caasimada.

Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa hore u sheegtay in shirka looga hadlaayo arimaha doorashada lagu qabto goob amaan ah oo la isku halayn karo.