Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa ku jirta go’doon ay saareen Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya oo qeyb ahaan meel ka degan, kuwaasoo isku ugaarsada gudaha magaalada.
Waxaa intaasi dheer abaaro xooggan oo ka jira degmada iyo deegaanada hoos yimaado.
Gudoomiyaha degmada Ceelwaaq Sahal Macalin Aadan ayaa sheegay in ugu yaraan laba canug ay harraad ugu geeriyoodeen deegaanka dhowaan.
Waxaa uu sheegay in Carruurtaan ay u geeriyoodeen haraadka iyo biyo la’aan ka jirtay baadiyaha Magaalada oo ay kunool yihiin.
Abaaro daran ayaa ka jira gobolka Gedo, kuwaasoo saameeyay qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana dowladda Soomaaliya ay u saartay guddi gaar ah oo ka shaqeyn doona ka hortagga gurmadka Abaaraha.