Abaar xoogan oo saamaysay nolasha dadka iyo duunyada oo ka bilaabatay Gedo iyo Jubada hoose

979

Xoolaleeyda ku nool gobollada J/hoose , J/dhexe iyo Gedo oo ay saameyn ku yeesheen abaaraha.

Dadka Xoolalayda ayaa Radio Kismaayo u sheegay in xaaladdaha abaaraha ay yihiin kuwo aad u halis ah oo ay xoolahoodii u la’yihiin biyo iyo Baad.

“”Xoolaha meel ay daaqaan ma jirto, waxaan hadda ku quudinayna waxyaalo aan uga soo iibino magaaloyinka, waadna garan kartaa in aysan xoolalaydu awoodin arrintaa, xaaladda taagan waxay sababi kartaa in abaarahani galaaftaan xoolo aad u badan”” Waxaa sidaa yiri mid kamid ah Xoolalayda gobolka J/hoose oo lagu magacaabo Cali Salaad.

Xaaladan abaaraha ku dhuftay qeybo katirsan gobollada dalka ayaa kusoo beegmay xilliga kala guurka, khilaafna ka taaganyahay arrimaha doorashooyinka dalka.