Midowga Musharixiinta oo qoraal u diray Beesha Caalamka shuruudo adagna soo bandhigay

767

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa beesha caalamka u gudbiyay qoraal xasaasi ah oo ay ku dalbadeen Qodobbo dhowr ah, iyagoo warqaddda ay soo saareen ay la xariirton arrimaha doorashooyinka dalka.

Warqadda ay soo saareen Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ugu muhiimsan lix qodob, kuwaasi oo loo arko in ay yihiin qodobbo xasaasi ah, waxaana ka mid ah:

1-in Madaxweyne Farmaajo uu xiilka wareejiyo, uuna ku wareejiyo Gole Qaran oo Kumeel gaar ah.

2-in Wax ka badal lagu Sameeyo Gudiyada Doorashooyinka

3-in Midowga Musharixiinta ay qeyb ka noqdaan dadaalada lal  Xaarinta ah ee socda

4-in ay is-casilaan Taliyaasha Booliiska , Nabad Sugidda

5-in 60 Maalmood gudahood lagu Soo gabagabeeyo Geedi socodka Doorashooyinka

6-in uu jiro dammaanad qaad caalami ah oo korjoogteyanaya Fulinta Heshiisyada la gaaro.

Sidoo kale waxaa ka mid ah waxyaabaha ay dalbadeen Midowga Musharixiintu, In baaritaan madax bannaan lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday Hotelka ay deganaayeen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya  Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.