Banaanbaxyo lafilaayo in maanta ay ka dhacaan deegaanada Hiirshabeele.

130

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in banaanbaxyo waaweyn ay ka dhacaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan, kaas oo looga soo horjeedo arrimaha doorashooyinka Hir-Shabeelle.

Meelaha ay banaanbaxyada ka dhacayaan oo ay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ogaatay ayaa waxaa kamid ah Magaalooyinka, Beledweyne, Buulo-burde, Jalalaqsi, Maxaas, Feer Feer Iyo Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Mid kamid ah dadka qaban qaabiyaya banaanbaxa ayaa sheegay in uu yahay mid nabadeed, isla markaana looga soo horjeedo dhismaha cusub ee maamul Goboleedka Hirshabelle.