Guddoomiyaha Dalladda Bulshada Rayidka Jubaland oo ka hadlay Saameynta Xannibaadaha ku Yimid Jubaland Shir Gaar ah oo lagaga hadlay Doorashooyinka iyo Midnimada Dalka

0
402

Guddoomiyaha Dalladda Bulshada Rayidka Jubaland, Mudane Cabdifataax Cali (Cabdifataax Jalwa), ayaa maanta ka qayb galay shir gaar ah oo ay soo qaban-qaabisay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, iyadoo ay ka soo qayb galeen madaxda kala duwan ee bulshada rayidka Soomaaliyeed.
Shirka waxaa si gaar ah loogu falanqeeyay:
• Arrimaha doorashooyinka dalka
• Dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka
• Xoojinta midnimada iyo wadajirka Qaranka
Mudane Cabdifataax Jalwa ayaa madasha warbixin muhiim ah ka siiyay xaaladda ay shacabka Jubaland kala kulmayaan:
• Xannibidda duulimaadyada gudaha iyo dibaddaba
• Hakinta gargaarka bini’aadantinimo, taas oo saameyn weyn ku yeelatay dadka nugul
• Joogsiga mashaariicda horumarineed, kuwaas oo qeyb muhiim ah ka ahaa adeegyada bulshada
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in arrimahan ay si toos ah u saameeyeen shacabka Jubaland, isla markaana ay abuureen caqabado hor leh oo dhinacyada nololeed ah. Waxa uu ugu baaqay madasha iyo dhammaan daneeyeyaasha siyaasadeed in xal degdeg ah loo helo arrimahaas si loo ilaaliyo danta shacabka Soomaaliyeed.