Dhismaha Garoonka Kubada cagta ee magaalada Kismaayo oo maraya meel-gabagabo ah.

1355

Garoonka kubadda cagta ee Waamo Staduim ee magaalada Kismaayo  oo lagu Samaynaayey dib habayn ayaa  hadda ku dhow heer gabagabo ah ,iyadoo qaab Casriya loo dhisay tarabuunka garoonka oo qaadaya ilaa 3000 qof.

Dhismaha garoonka ayaa waxaa dhaqaalaha dib loogu hagaajinaayo waxaa bixinaaya xiriirka kubada cagta Aduunka ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano (FIFA)halka fulinta ay iska kaashanayaan xiriirka kubada cagta Soomaaliya iyo xiriirka Jubbaland.

Gudoomiyaha xiriirka kubada cagta Jubbaland Mudane Axmed Faarah Taqal ayaa warbaahinta u sheegay in bisha October ee soo socota ay filayaan in dhismaha socda uu soo dhamaado,garoonka uu dhismahaan ku soo kordhin doono wax-badan.