Magaalada Kismaayo oo laga hirgaliyey goobo laga hellaayo biyo lacag la’aan ah

972

Gudoomiyaha degmada kismaayo mudane Ibraahim Yuusuf Timajilic ayaa xariga ka jaray  Haamo biyaha loogu shubaayo dadka ku nool xaafada midnimo oo ay degan yihiin dadkii ka soo laabtay xeryaha qaxootiga Kenya iyo qoysas kale oo barakacayaal ah.

Dadka degan xaafada Madnimo ayaa dhibaato xoogan ay ka hasteen dhinaca biyaha oo dadka waxaa biyaha ka iibsadaan karreetooyin biyaha geeya  xaafada Midnimo  waxaana  ay ku helli jireen lacag dhan 7000 Shilka dalka caagaha biyaha ee qaada 20litter Balse Mashruucaan oo ay iska kaashadeen Wasaarada Macdanta,Tamarta,iyo Biyaha,  hay’adaha USAID iyo Mercy corps ayaa dadka xaafada ku nool oo ah dad dan-yar ah ka caawinaya  culayska biyaha.

Qoysaskaan ayaa maanta laga bilaabo  caaga biyaha ku helli-doona kun shilin oo Somali ah,waxaana ka yaran doona culayskii badnaa ee dhinaca biyaha.