Dhagayso:Ciidanka Jubbaland oo howlgalo ka fuliyey deegaano ka tirsan Jubbada Hoose.

1122

Ciidanka daraawish-ta Jubbaland ee degmada Afmadow ayaa maanta iyo labadii maalin ee ka horeeyey howlgalo ka dhan ah Kooxda Al-shabaab ka sameeyey inta u dhaxaysa deegaanka Janaa Cabdalle iyo degmada Afmadow.

Howlgalkaan oo lagu xaqiijinaayey Amniga deegaanada Miido,Harboole,Cag libaax iyo Janaa-cabdalle ayaa ciidamada Jubbaland waxaa ay ku  doonayaan in argagixisada Al-Shabaab kaga sifeeyaan wadda isku xidha Kismaayo iyo Afmadow.

Jeedka howlgalkaana ayaa ah in  dadwaynaha si caadiya u isticmaalan wadada Isku xidha Afmadow iyo Kismaayo.

Taliyaha Ciidanka Afmadow Mahad Maxamed Islaam oo radio Kismaayo waraysisiiyey  ayaa sheegay in ciidamada maalmaha soo socda ay xoojin doonaan Howlgalka si loo sugo amniga hirgaliyo ahdaafta laleeyahay.