Daawo la’aan ka jirta Isbitaalka Dhoobley.

1297

Isbitaalka magaalada Dhoobley ayaa wajahaya culaysyo ay ka mid yihiin daawo yari,iyadoo isbitaalka looga imaado deegaano kala duwan oo hoos imaada Dhoobley.

Madaxa Cafimaadka ee Dhoobley Nuur Biixi Cusmaan oo waraysi siiyey Radio Kismaayo ayaa sheegay in isbitaalka uu ku jiro xaalad adag oo daawo la’aan ah uu galay Isbuucyadii la soo dhaafay balse hadda daawo yar oo ku meel gaadh ah ay keentay hay’adda Save the Children oo Isbitaalka dhoobley ka taageerta dhinaca adeegyada Cafimaadka.

Madaxa Cafimaadka ee Dhoobley Nuur Biixi Cusmaan ayaa wasaarada Cafimaadka iyo hay’adaha ka codsaday in Isbitaalka Dhoobley laga caawiyo adeegyada cafimaadka hadana aysan ku fulnayn daawada la keenay oo ay kala badan yihiin baahida dadka iyo daawada hadda cusbitaalka taala.