Wasaarada Waxbaarshada Jubbaland ayaa cambaraysay safarkii shaqo ee uu siihaya Wasiirka wasaarada waxbaarshada Soomaaliya Cabdullahi Godax Barre uu shalay ku tagay gobolka Gedo.
Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbaarshada Jubbaland Cabdirisaaq Axmed Handal ayaa sheegay in wasaarada waxbaarshada Jubbaland la soo ogaysiinin tagida waftiga uu hogaaminaayo siiyaha wasiirka waxbaarshada Soomaaliya ayna tahay talaabo baalmarsan dastuurka ku meelgaadhka ah iyo hanaanka federaalka ee dalku qaatay.
Axmed Cabdirisaaq Handal wasiir kuxigeenka wasaarada waxbaarshada Jubbaland ayaa sheegay in wasaarada ay gacanta ku haysay mashaariic laga hirgalinaayey goobaha waxbaarshada ee degmooyinka Baladxaawo iyo Garbahaarey uuna siyaasadeeyey siihaya wasiirka waxbaarshada Somaaliya.