Madaxweyne Lafta-Gareen Oo Magacaabay Wasiiro Cusub

656

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen ) ayaa magacaabay qaar ka mid ah xubno cusub ee Golaha Wasiiradda Maamulkaasi.

Lafta-gareen ayaa xilka qaadis ku sameeyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, sidoo kalena waxaa uu magacaabay Wasiiro cusub oo beddalaya xubnihii xilalka laga qaaday.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur galbeed cabdi casiis Xasan maxamed lafta-gareen ayaa lagu sheegay in Wasiiro Cusub loo magacaabay Wasaaradaha kala ah: Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta,Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka iyo Wasaaradda kaluumaysiga iyo kheyraadka.

Hoos ka akhriso Warqadda magacaabista.