Goobaha waxbaarshada Jubbaland oo dib loo furay.

1323

Iskuulada magaalada Kismaayo iyo Xarumaha kale ee waxbarashada ee deegaanada Jubbaland ayaa dib u bilaabay waxbarashada,Ka dib markii muddo gaadhaysa ilaa shan bilood uu xidhnaayeen Caabuqa dunida saameeyey Cavied-19.

Ardayda oo mudo dheer ka maqnayd Iskuulada waxbaarshada ayaa maanta iyo shalay sicaadiya u qaadanaya casharada iyo maadooyinka waxbarashada.

Maamulaha Iskuulka Ganaane Maxamed Xirsi oo waraysiiyey Radio Kismaayo ayaa sheegay in fasalada ardayda wax ku baranayaan wax laga badalay oo ardayda ay la kala durkiyey si loo ilaaliyo badqabka ardayda dhiganaysa Iskuulada.

Maxamed Xirsi ayaa shegay in wasaarada waxbaarshada Jubbaland ardayda siisay agab-ka looga hortago Caabuqa Coviedh-19 oo loo qaybiyey Iskuulada Magaalada Kismaayo,taasina ay ka caawinayso in ardayda ay helleen difaac fiican oo looga hortagi karro xanuunka fidi-taankiisa.

Bishii Sadexaad ee sanadkaan ayey ahayd markii wasaarada waxbarashada Jubbaland shaacisay in al-baabada la isugu dhufto goobaha waxbaarshada,iyadoo laga cabsi qabo fiditaanka Covied-19.