Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo la kulmay boqorka Dalka Sacuudiga

1025

Wasiirka Arrimaha Dibada JFS ayaa Magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga kula kulmay Boqorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan.

Wasiir Cawad iyo boqorka dalka Sacuudiga ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee walaalaha ah waxaana ay labada dhinac isla garteen in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeyo labada dowlad.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa dalka Sacuudiga kaga qeyb galaya Shir u dhaxeeya Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka kulaala Gacanka Cadan iyo Badda Cas.