Dhaqdhaaqyo Ciidan oo caawo laga dareemayo deegaano hoostaga Degmada Ceelbuur

945

Ciidamado ka tirsan kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay Caawa dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka bilaabeen degaano u dhaxeeya degmooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamadaan oo  ka baxay Magaalada Dhusamareeb ayaa waxaa horkacaya Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, waxaana la sheegay inay ku wajahan yihiin degaanka Bulacle oo hoos taga Dagmada Ceelbuur oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dhaq dhaqaaqyada Ciidan ee Caawa ka bilaawday degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maanta degaano ka tirsan Gobolka Mudug ay ku dagaalameen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo garab ka helay dadka degaanka Shabeelow oo hoostaga Magaalada Bacaadweyne iyo Al-Shabaab.