DFS oo shaacisay Maraakiib si sharci darro ah uga Kalluumaysta Xeebaha Somalia

953

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in maraakiib wadata Calanka Dowladda  Iran ay sharci daro ah uga kaluumeysanayaan Badda Soomaaliya.

War qoraal ah ka soo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay In mudadii u dhaxeysay January 2019-14-04-2020 la ogaaday 112 markab oo kaluumeysanaya.
Wasaaradda Kalluumaysiga ayaa shegtay in aysan aheyn wax la aqbali karo Kalluumaysigaa isla markaana ay ka qaadayso Maraakiibtaan tallaabo sharciga ah sida ay hadlaka u dhigtay.

Dowladda fedraalka ah ee Soomaaliya ayaa horay digniino culus waxa ay ugu jeedisay Maraakiib Kalluumayso shaci darro ah ka wadday Xeebaha Soomaaliya waxaana ay sheegtay in haatan isha lagu hayo kuwa hor leh sharcigana lala tiigsan doono.

Halkaan Ka Akhriso Qoraalka