Dad horleh oo Coronavirus ugu geeriyoodey Muqdisho.

159

Wasaaradda  Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisey in 9 Ruux oo horleh ay Cudurka Coronavirus ugu geeriyootey Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.

War kasoo baxay Wasaaradda ayaa loogu tacsiyadeeyey dadkaas oo maalmihii la soo dhaafay Cudurka Coronavirus la jiifay Isbitaalka.

Wasaaradda waxaa ay sheegtay inay soo kordhayaan dadka qaba Coronavirus oo Isbitaalka Martiini ay usoo gudbinayaan Isbitaalada kale xilli xaaladooda ay liidato,waxaana loogu baaqay in dadkii Calaamadaha ay ku arkaan ay deg deg kusoo gudbiyaan.

Markii lagu daro Sagaalka qof ee Coronavirus xalay Isbitaalka Martiini ugu geeriyootay ayaa waxaa ay tiro ahaan gaarayaan 32 Ruux.