Beelihii ku dagaalamay galbeedka Kismaayo oo heshiish gaadhay.

1068

 

Shirka  dib u heshiisin  ah oo loo qabtay beelaha walallaha ah ee ku dagalamayay duledka Magalada kismayo ayaa lagu qabtay maamuus Gaadhan.

Kulan-kaan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay beel ka midda beelaha degga deegaanada Jubbaland.

Ujeedka shirkaan ayaa ahaa in si dhab ah loo nabadeeyo beelaha walaaha ee todobaadyadii aan soo dhaafnay ku dagaalamay  duledka degmadda Kismaayo.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb-galay odayaasha dhaqanka beelaha ku dagaalamayey galbeedka Kismaayo,Culima-Awdiinka iyo Ganacsatada degmadda,waxaana la isku afgartay in la soo afjaro coladii u dhaxaysay beelaha walaalaha ah .

Ugu horayn waxaa shirka daah-furay Gudoomiyaha beesha soo qaban-qaabisay kulanka Macalin Ciise.

Ururada Bulshada Rayidka ah,Odayaasha dhaqanka Jubbaland iyo dowlad Goboledka Jubbaland ayaa dadaal balaadhan ugu jiray sidii loo joojin lahaa colaada1 labada beelood.