Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa si kulul uga hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lala eegtay Ingineero u dhashay Turkiga, kuwaasoo dhisaya wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Turkiga uu sii wadi doono garab istaagga walaalahooda Soomaaliyeed.
Marnaba nagama joojin doonaan la dagaallanka argagixisada. Waan garab taagnaan doonnaa walaaleheenna Soomaaliya. Waxaan walaalaha dhaawacmay u rajeynayaa dhaqso in ay bogsoodaan, si dhow ayaan ula socon doonnaa xaaladdooda ayuu yiri” Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga.
Bishii December ee sanadkii hore 2019 weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Ex Koontarool Afgooye ayaa waxaa ku geeriyootay labo Engineero u dhashay Turkiga iyo 50-meeyo ruux oo shacab Soomaaliyeed ah.