Dowlada Federaalka Soomaaliya oo digniin u dirtay maraakibta Shisheeye .

820

Maamulka Idaacada dowlada ee Radio Kismaayo ayaa qabtay munaasabad lagu abaal-marinaayey shaqaalihii ugu shaqada badnaa Bishii aan soo dhaafnay ee Febraayo,waxaana munaasabada ka soo qayb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo Teknoologyada Jubbaland Cabdi Shugri Carab.
Agaasimaha Idaacada dowlad Goboleedka Jubbaland Xassan Nuur Maxamed ayaa ka warbixiyey munaasabadii manta lagu Abaal-mariyey qaar ka midda shaqaalaha iyo Madax-waaxeedyada Radio Kismaayo.

“Abaal marintaan waa Abaal marin aan igu tala galnay in lagu dhiiri galiyo dadkii ugu shaqada wanaagsanaa shaqada idaacada”

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta ,Isgaadhsiinta iyo Tiknoologyada Jubbaland Cabdi Shugri Carab ayaa Maamulka Idaacada iyo Shaqaalaha ugu horayn u mahad-celiyey shaqada adag ee ay u hayaan Shacabka Jubbaland iyo dadka Soomaaliyeed ee kala-ba.