Madaxweynaha Jubaland Oo kormeeray Dakada Boosaaso iyo Taliska Booliska Gobolka Bari

1118

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Dekeda weyn ee Magaalada Boosaaso iyo Xarumo kale oo Dowladeed.

Madaxweynaha oo uu wehelinayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani waxaa ay kormeereen qaybaha kala duwan ee Dekeda iyo Xarunta Wasaarada Dekedaha Puntland.

Waxaa kale oo wafdigu ay booqdeen Xarunta Taliska saldhiga bartamaha ee Magaalada Boosaaso iyo Xarumo kale iyagoo u kuur galaya sida ay shaqooyinku u socdaan waxaana uu kormeerkan ayaa ahaa mid khibrad wadaag ah iyadoo Masuuliyiinta Kale ee Madaxweynaha la socotay ay la kulmeen dhigooda xarumahan ka howlgalaya.