Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo ee dowlad gobolleedka Galmudug Xirsi Yuusuf Barre ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay islamarkaana iska diiday xil ka qaadis uu xalay ku sameeyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Duqa degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre ayaa sheegay in xilka qaadista Madaxweyne Xaaf aan waxba ka jirin,isla markaana Isaga uu yahay Guddoomiyaha saxda ah ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Madaxweyne Xaaf ayaa siweyn uga soo horjeeda Qorshaha Dowaldda ee dhismaha Galmudug isaga oo sheegay in Dowladdu afduubeyso shacabka reer Galmudug.
Duqa degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre haatan ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug,isaga oo shalay kamid ahaa mas’uuliyiintii soo dhaweeyey musharax Qoorqoor oo la sheegay in dowladda Soomaaliya ay taageereyso.