Iiraan oo sheegtay in ay mas’uul ka aheyd burburka diyaaradii Ukraine Airlines

1072

Dowladda Iran ayaa qiratay in si aan ula kac aheyn ay u soo rideen diyaaraddii rakaabka aheyd ee laga lahaa dalka Ukraine.

Sida uu baahiyay Telefishinka Qaranka Iran ayaa lagu sheegay in falkan uu ku dhacay khalad uu bani’aadam sameeyay.

Bayaan laga akhriyay Telefishinka ayaa lagu sheegay in dadkii mas’uulka ka ahaa falkaas lala xisaabtami doono.

Diyaaradda oo laga lahaa Ukraine ayaa waxay burburtay Arbacadii waxaana ku dhintay dhamaan rakaabkii saarnaa oo dhanaa 176.

Dalalka Mareykanka, Canada iyo Ingiriiska ayaa sheegay horey u sheegay in diyaarada ku dhacday Iran uu ku dhacay gantaal ay rideen ciidanka dalkaas.

Caddeymo ay heleen dalalkaas ayaa muujineyay in gantaal ay riday Dowladda Iiran uu soo riday diyaaraddii Ukarine ee ay saarnaayeen dadka rayidka ah, taas oo ku dhacday duleedka caasimadda Tehran.