Deegaanka Qaam Qaam oo saaka dad ku dhinteen.

1370

Hal qof ayaa ku dhintay ,sadex kale-na dhaawac ayaa ka soo gaadhay saaka Aroorti meel carro kaabo laga qodo oo ku taalla deegaanka qaam-qaam oo Kismaayo ka xiga dhinaca waqooyiga.

qof dhintay ayaa ahaa ilmo yar oo todobo jir ah oo ay ku duntay carrada halka labadda qof ee kale ee dhaawaca noqday la geeyey cusbitaalka Guud ee Magaalada Kismaayo,sida uu Radio Kismaayo u xaqiijiyey gudoomiyaha deegaanka Qaam-Qaam .

“saaka waxaa Qaam Qaam ka dhacay shil naxdin leh oo aan horay deegaanka uga dhicin,waxaa dhintay hal qof oo hadda lagu aasayo deegaanka dhaawaciina kismaayo ayaa loo soo gudbiyey “sidaa waxaa radio Kismaayo u sheegay gudoomiyaha Qaam Qaam.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in meeshaas maamulka deegaanka ay horay uga soo saaareen digniin,oo dadka looga digaayey khatarta iyo halista meeshaas ka soo socotay balse aan la baajin Karin waxii qadar ah.