Maamulka dhoobley oo dib u dayactir ku samaynaaya Garoonka diyaaradaha ee Dhoobley.

1279

Garoonka diyaaradaha ee Dhoobley ayaa lagu bilaabay dib u dayactir, kaas oo wax looga qabanaayo dhibaatooyinkii ay u gaysteen roobabkii mahiigaanka ahaa ee Gobolka ka da’aayey sadexdii bilood ee indhaaftay .

Garoonka diyaaradaha dhoobley oo ay hadda si toos ah u isticmaalaan diyaaradaha sameeya duulimaadyadda maxaliga ayaan lahayn wax dayr ah,waxaana garoonka gudaha ugala xoolaha iyo xawayaanada kale,taas oo khatar ku keeni karta diyaaradaha iyo rakaabka ka duulaya Garoonka iyo diyaaradahaba.

Gudoomiyaha dhoobley Siyaad Maxamed Xassan ayaan ka waraysanay dib u dayactirkaan lagu samaynaayo garoonka iyo waxa ay ka badalayso.

“aniga ka maamul ahaan ayaa isku tashanay,waxaana garoonka laga jarayaa dhirta faraha badan ee ku baxday si garoonka uu noqdo mid diyaaradaha waawayn iyo kuwa yarba ay ku degi karaan”sida waxaa radio Kismaayo u sheegay gudoomiyaha dhoobley siyaad Maxamed Xassan.

Garoonka diyaaradaha dhoobley ayaa waxaa si Toos ah dowlad goboleedka Jubbaland u daahfurtay bishii afaraad ee sanadkii 2018 balse garoonkaan oo ku yaala magaalo Istaatiij ah ,waxaa uu u baahan yahay in siwayn wax looga qabto baahiyaha aas aasiga eel agama maarmaanka ah .

Wariye Cabdirisaaq wadani