Taliyaha Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliya, Admiral Cabbaas Amiin Cali ayaa sheegay in dib u habeynta balaaran ee lagu sameeynayo ciidanka badda uu dalku xilligaan aad ugu baahanyahay isaga oo carabka ku dhuftay in labadii bil ee u dambeysay hoggaanka ciidanka badda oo kaashanaya taliska Ciidanka Xoogga dalku ay sameeyeen qorshayaal muhiim ah oo lagu dardargalinayo shaqooyinka ciidanka badda Soomaaliya.
Taliyaha ayaa sheegay in ay fulinayaan mas’uuliyadda uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u xilsaaray iyo tilmaamaha horyaala oo ah waajibka ka saaraan in ay dalka u adeegaan.
Dib u habeynta ciidamda badda Soomaaliya lagu sameynayo waxaa ka mid ah qalabeyn iyo tababarro taasoo ay gacan ka geysanayaan qaar ka mid ah dowladaha taageera Soomaaliya.