Taliska Ciidanka Booliska Oo Sheegay in aysan jirin Xayiraad la saaray Gaadiidka Aamin Ambulance

1168

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa ka hadashay warar maalmihii la soo dhaafay baraha bulshada aad loogu hadal haayay,kuwaasi oo ahaa in gaadiidka gurmarka deg deg ah ee Aamin Ambula shaqo joojin lagu sameeyay.

Zakia Xuseen Axmed ayaa sheegtay in aysan jirin xayiraad la saaray hay’adda gaarka loo leeyahay ee Aamin Ambulance,isla markaana waxa ay tilmaamtay inay  sii wadi doonaan dadaallada lagu mideynaayo hawlaha gurmadka.

War qoraal ah oo ay soo dhigtay barta Facebook ay ku leedahay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa u qornaa sidan:-

“Booliiska Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in aysan jirin xayiraad la saaray hay’adda gaarka loo leeyahay ee Aamin Ambulance.

Hay’addan, Booliiska iyo Gobolka Banaadir waxay yeesheen kulan lagu lafa gurayo sidii wada shaqeyn dhaw loo yeelan lahaa, waana sii wadi doonnaa dadaallada lagu mideynaayo hawlaha gurmadka.

Waxaan uga mahadcelinaynaa Aamin Ambulance iyo cid walba oo gurmadka degdeg ah ka shaqeyso xilkasnimada iyo dadaalka ay muujiyeen.

Waxaa naga go’an inaan si wadajir ah u wajahno xaaladaha degdeg ah ee yimaada, lagana gudbo isbarbaryaaca baahsan.

Ugu dambeyn waxaa bulshada Somaliyeed soo xasuusineynaa in ay hayadaha amniga kala xiriiri karaan numberka 991”sidaas ayay tiri Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed