Ciidamada dowlada federaalka ee Soomaaliya oo weerar ka fuliyay Qeeybo ka Mid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe

1012

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in xalay saqdii dhexe Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya oo ay wehlinayeen Ciidamo Mareykan ah ay weerar ku qaadeen Saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabelle ayaa waxa ay xaqiijiyeen in Weerarkaas oo isugu jiray cir iyo dhul lagu qaaday Xarumo waaweyn oo Ururka Al-Shaabab ku leeyihiin deegaanka Gamboole ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Weerarka ayaa lagu soo waramayaa in ay qeyb ka aheyd duqeyn dhinaca cirka ah oo ay fulinayeen diyaarado dagaal,waxaana mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ay sheegeen in lagu dilay weerarkaas 8 Ruux oo ay ku jiran saraakiil ka tirsan maleeshiyaadka Alshabab