Dowlad Goboleedka jubbaland oo Xukun dil ah ku fulisey nin horey u geystay Kufsi iyo dil

1233

Subaxnimadii hore ee saaka magaalada Garbahaarey waxaa laga fuliyay Xukun dil ah kaas oo lagu fuliyay nin horey u geystay fal Kufsi ah, Maxkamadda Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa xukunka fulisey.

Ninkaas oo lagu magacaabo Maxamuud Cali Xaamuud oo jira 32-sano ayaa Maxkamadda laba maalin kahor ku riday xukun dil toogasho ah,kadib markii uu fal kufsi ah iyo Dil u geystay gabar yar oo kamid aheyd dadka deegaanka.

Fagaaro ku yaalla Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa saakay Ninkaasi lagu toogtay kaas oo Maxkamadu sheegtay in uu Kufsi iyo Dil geystay,waxaana Goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Garbahaarey