Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Jubbaland oo sheegay in ay shatiga ganacsi lagala noqonayo ganacsadihii lagu arko raashiin dhacsan

72
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland oo kaashanaysa Hogaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshada, Hay’adda Tayadhowrka iyo waaxda caafimaadka ee Hay’adda Nabadsugidda ayaa maanta warbaahinta Dowladda usoo bandhigay xogta raashin tayadiisu aysan wanaagsaneen oo ku keydsanaa qaar kamida Bakhaarada ku yaala suuqyada magaalada Kismaayo.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha, Saraakiil ciidan iyo xubno kale ayaa tagay mid kamida goobaha dabagal badan oo la sameeyay lagu soo ogaaday in uu yaalo bur badan oo tayadiisu ay xumaatay ka gadaal markii bakhaar lagu keydiyay kadibna albaabada loo laabay.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland Ibraahim Xassan Cabdi ayaa sheegay in ay shatiga ganacsi kala noqonayaan goobtii ganacsi ee lagu arko wax dhacsan ama tayadisu xumaatay.