Safiirkii Soomaaliya ee Dalka Kenya oo dib ugu soo Laabatay Muqdisho ka dib Amarkii ka soo baxay Dowlada Kenya

1315

Magalada Muqdisho waxaa dib ugu soo laabtay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Ambasaddor Maxamuud Axmed Nuur  Tarsan oo dhowr bilood ka hor loo Magacaabay xilka Safiirnimo.

Safarkaan oo ahaa mid deg deg ah ayaa yimid kadib markii Dowladda Kenya ay xalay ku wargelisay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya in uu isaga baxo dalkeeda,sidoo kalena u yeertay safiirkeedii u joogay Soomaaliya.

Safiirka waxaa socdaalkiisa ku wahelinayay  wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya  Axmed ciise cawad  iyo mrawada madaxwenaha Soomaaliya oo maalmahaan ku sugneyd  Kenya  iyagoo oo sinabad ah ku yimid magaalada muqdisho

Dowlada Kenya oo xalay ku dhawaaqday in ay xagisay xiriirka kala dhaxeeya soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay u yeeraty safiirkeeda keenya ee jooga  soomaaliya  kuna Amartay in dalkeeda uu ka baxo safiirka soomaaliya ee Kenya u fadhiya