Maamulka degmada kismaayo oo bilaabay qaadista cashuurta Sanadlaha

1135

Amar ka so baxay  maamulka degmada kismaayo ayaa lagu shegay in Degmadu ay bilaawday qaadista canshuurta iyadoo sanadkaan ay ugu horeyso maamulka degmada kismaayo qaadista canshuurta ayna noqoneyso cashuur sanadle   

Dadka degan magaalada kismaayo ay bixin doona  cashuurta Sanadlaha   kuwaa oo iskugu jra guryaha caadiga  ee la degan yahay iyo Goobaha ganacsiga ee magaalada kismaayo  

Xaafadaha magalada kismaayo ayaa ku tartamaya bixinta cashuur Sanadlaha ee maamulka degmada kismayo  ay qaadeyso

Iyadoo qiima dhimis  lagu sameyay  cashuurta ka dib  dadka degan Xaafadaha iyo ganacsatada ay cabsho u keenen maamulka degmada kismaayo

Gudomiyaha degmada kismaayo ibraahim maxamed yusuf timi jilac oo lahadlayay  radio kismaayo codka jubbaland ayaa  bulshada degan magalada kismaayo ugu baaqay in bixiyaan cashuurta haddii dadka Degan kismaayo ay bixiyaan cashuurta

Maamulka degmada kismaayo waxaa inoo fududaaneysa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u helaan adeegayada bulshada sida  caafimaadka waxbarashada dhisidda wadooyin muhiim u ah bulshada ayuu yiri gudoomiyaha

Gudoomiyaha  ayaa intaaa ku daray Qorshaheenu waxa uu yahay in  mustaqbalka dhow bulshada kismaayo ay heli doonaan adeegyo lacag l.aan ah sida biyaha. Korontada. Iyo adeegyo kale madaama hadda ay lacago ku bixiyaan adeegyadaasi