Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in ay ka shaqeyn doonaan wanaajinta xiriirka D/dhexe iyo D/goboleedyada

1209

Xilli mudooyinkii u danbeeyay uu jiray khilaaf xooggan oo u dhexeeyay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kaasoo ka dhashay kadib markii madaxda dowlad goboleedyadu ay sheegeen in dowladdu ku xadgudubtay qodobo dastuuri ah islamarkaana dooneeyso burburinta dowlad goboleedyada ayuu Madaxweyne Farmaajo sheegay in sanadkan cusub ay isbadal ka sameyn doonaan dhanka xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Madaxweyne Farmaajo oo qudbad ka jeediyay xafladdii caleemosaarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa xusay in xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu uu yahay mid ahmiyad weyn u leh daadajinta adeegyada bulshada, isaga oo intaas ku daray in Sanadkan cusub ay ka wada shaqeynayaan Dowladda Dhexe iyo maamul Goboleedyada sidii loo dar-dargelin lahaa hawlaha hortabinta u leh geeddi-socodka Dowladnimada Soomaaliya.

“Ummadda Soomaaliyeed waxay naga sugayaan inaan uga shaqeyno dantooda guud iyo inaan sharafkoodii u soo celinno. haddii aan intaas isla fahamno khilaafaad ma imaanayaan, waxaan rajaynayaa Sanadkan in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada aysan Shacabka Soomaaliyeed marnaba ka maqlin in la is haysto.”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

“Waxaan wada fahamsannahay annaga oo idil in shacabka Soomaaliyeed ay na wakiisheen oo ay leeyihiin Dowlanimadan iyo Qarankaba, annaguna aan u nahay adeegayaal ka shaqeeya maslaxooda iyo dantooda guud, sharafkooda iyo karaamadoodana aan soo celinno. Intaas haddii ay mabaadii’ noo tahay ma imaan karto khilaafaad iyo iska hor imaad.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu intaas raaciyay Madaxweynahu in argagaxisada Al-shabaab ee caadeystay daadinta Dhiigga Shacabka Soomaaliyeed ay yihiin caqabadda ugu weyn ee ku hor gudban horumarka iyo barwaaqada, isaga oo muujiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojineyso dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah.