Midowga Afrika oo ogolaaday ka qeybgalka howlgallo ka bilaaban doona Jubbaland

1354

Xilli mudooyinkii ugu danbeeyay dowlad goboleedka Jubbaland ay waday dadaallo la doonayo in Maleeyshiyaadka Al-shabaab looga xoreeyo qeybaha ay uga suganyihiin Jubbaland ayaa war kasoo baxay Midowga Afrika waxaa lagu sheegay in AMISOM ay ka qeybgali doonto howlgalladaasi.

War kasoo baxay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ay aqbaleen qorshaha howlgallada ka bilaabanaya Somaaliya ee u ogolaanaya ciidamada nabad ilaalintu in ay Shabaab ka saaraan goobaha ay ku harsanyihiin.

Howlgalladan ayaa u ogolaanaya ciidamada AMISOM in ay ka qeybqaataan qorsha la doonayo in Shabaab looga xoreeyo gobolka Jubbada Dhexe iyo meelaha kale ee ay ku suganyihiin bilowga sanadda 2019.

Howlgalkan oo loogu magac daray “ConOps” ayaa warbixinta lagu sheegay in ay si wadajir ah u fulin doonaan ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland kuwa  xoogga dalka iyo AMISOM, waxaana qorshahan aqbalay golaha Midowga Afrika u qaabilsan dhanka Amniga 30-ka Bisha November ee sanadkanka, waxaana qorshuhu uu sii socon doonaa ilaa sanadda 2021.

Gobolka J/dhexe oo soohdin la wadaaga gobollada Gedo, J/hoose, Shabeelaha hoose iyo badweynta Hindiya ayaa waxaa si buuxda u maamula maleeyshiyaadka nabad diidka ah ee Al-shabaab, uwaa oo ku dhibaateeya shacabka.


Sida laga soo xigtay afhayeenka howlgalka AMISOM Col Richard Omwega, howlgalka ConOps ayaa qeyb ka ah qorshaha la doonayo in amniga guud ee dalka loogu wareejiyo ciidamada Soomaalida, sida ay ugala wareegaan ciidamada ka socda Midowga Afrika masuuliyadda dhanka amniga ee guud ahaan dalka.

“Furitaanka iyo sugidda amniga goobaha muhiimka ah ee dalka waxay inoo leedahay mudnaanta 1-aad, waxay sidoo kale fursad siineeysaa in la tayeeyo muwaadiniinta lana hirgeliyo mashaariicda xasilinta, si sare loogu qaado loona helo nabad iyo amni, ayadoo Soomaaliya ay isu diyaarineeyso doorashooyinka guud sanadda 2020 ayuu yiri Col Omwega.

Dukumintiga ayaa waxaa la filayaa in ay aqbalaan Saraakiisha sare ee dhanka Difaaca Midwoga Afrika iyo dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, sida Kenya, Brundi, Uganda iyo Jabuuti ka hor inta aysan howlgalladu bilaaban.

Taliye ku xigeen AMISOM oo hadda masuul ka ah howlgalada Soomaaliya Gen. Charles Tai Gituai ayaa 17-ka December wafdi uu hogaaminayo waxa ay soo gaareen magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland si ay ugala hadlaan madaxda Jubbland iyo Taliyeyaasha ciidamada AMISOM qeybta Jubbaland howlgallada la filayo in ay dhawaan bilowdaan.