Kooxda Chelsea oo ganaaxday 4-ka mid ah taagerayaasheeda

1142

kooxda ka ciyaarta Premier League ee Chelsea ayaa ganaaxday afar kamid ah taagerayaasheeda kuwaas oo aflagaaddo(caay) jinisi faquuq ah u gaystay Raheem Sterling.

Falkan ayaana dhacay kulankii kooxda tababare Sarri ay guul darradda dhabarka u saartay dhiggeeda Manchseter City, ciyaar kusoo idlaatay 2-0.

Bayaanka ay soo saartay Chelsea ayaa u qornaa sidatan:

“Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa afar qof ka ganaaxday in ay soo xaadiraan ama ay kasoo qayb galaan kulamada ay ciyaarayso Chelsea, waxaana jiri doona baaritaanno dheeri ah oo ku aaddan eedaymahan iyada oo la tixgalinayo sidi ay taagerayaashu ula dhaqmeen Raheem Sterling kulankii aan sabtidii la ciyaarnay Manchester City.

“Baaritaannadeenna la xiriira arrintan ayaa sii socon doona. Waxa aynu si buuxda u taageeraynaa baaritaanka booliska, aqbaar kasta oo aan helnena waxa aa u gudbin doonna iyaga(booliska).”

Taagerayaasha kubadda cagta ayaa inta badan ku kaca falalkan oo kale iyaga inta badan kala kulma ciqaabo kaga yimaada kooxahooda iyo xiriirada kubadda cagta.