Trump oo Difaacay Eedeeymaha loo jeedinayo Sucuudiga

1193

Donald J Trump, Madaxweynaha Mareeykanka ayaa dhaliilay eedeeymaha sii badanaya ee loo jeedinayo dowladda Sucuudiga ee ku aadan arrinta wariyaha la layahay ee amaal Khashoggi.

Trump ayaa sheegay in eedeeymaha sii kordhaya ay yihiin kuwo aan sugnayn, isagoo sheegay in ilaa hadda aan la heyn cadeeymo rasmi ah oo muujinaya arrinta lagu eedeeynayo Sucuudiga ee ah dilka wariyahaasi.

Waxa uu sheegay in keliya uu qofku dambiile ku noqon karo marka lagu heli dambigaasi.

Trump ayaa la barbar dhigay arrinta wariyaha la la’yahay eedeeymihii isku daygii kugsi ee lagu heeystay garsoorihii uu isagu u magacaabay maxkamadda sare ee Mareeyanka, kaasoo warbaahinta caalmku muddo dheer hadal heeysay.

Wariye Jamaal Khashoggi oo kasoo horjeeday boqortooyada Sucuudiga ayaa la la’yahay, ayadoo markii ugu danbeeysay la sheegay in uu galay Qunsuliyadda Sucuudigu ku leeyahay dalka Turkiga.