Muqdisho oo lagu xukumay Askar aagag dagaal soo baneeysay

1324

Askartan oo ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya islamarkaana ka howlgeli jiray gobolka Shabeelaha hoose ayaa lagu xukumay xabsi kadib markii lagu eedeeyay in ay soo baneeyeen difaacyadii ay ku jireen ee qeybo ka tirsan gobolkaasi.

Raggan la xukumay oo ay tiradoodu gaareeyso ilaa 12 ayaa 9 kamid ah la sheegay in ay kasoo baxsadeen difaac ay ku ciidamadu ku horfadhiyeen cadowga oo ku yaal aagga Dhanaane ee gobolka Shabeelaha hoose.

Maxkamadda ayaa raggan ku xukuntay min shano oo xabsi ah ayagoo lagu eedeeyay in ay sameeyeen amardiido soona banneeyeen aagaggii dagaal ee ay ku qornaayeen.