Wasaarada Dastuurka iyo Federaalka ee Jubbaland ayaa qabtay shir looga hadlaayey dib u eegista dastuurka kumeel gaadhka ah ee dalka,Kaas oo dhawaan la filaayo in dowlad goboleedyada dalka ka jira iyo wasaarada dastuurka xukuumada Federaalka ay dib eegis ku sameeyan qaar ka midda qodobada ku jira.
Gudiga Barlamaanka Jubbaland u qaabilsan arimaha dastuurka ayaa ka qayb galay kulankii maanta,Waxaana ay sheegeen in shirkaas uu socon doono mudo sadex cisho oo siwayn loo falanqayn doono,Qodobo ka mida dastuurka dalka.
Xildhibaan Abshiro Axmed kadiye oo ka mida gudiga arimaha dastuurka Jubbaland oo la hadashay Radio Kismaayo ayaa sheegtay in gudiga dastuurka iyo Wasaarada arimaha dastuurka iyo federaalka Jubbaland ay iska kaashanayaan ka shaqaynta dastuurka.