
Madaxweynaha dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa qaabilay taliye ku-xigeenka qaybta labaad ee howlgalka midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), Korneyl Daniel Musai.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta amni ee ka dhaxaysa Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) iyo Dowladda Jubbaland, gaar ahaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, nabadda iyo xasilloonida deegaannada Jubbaland.
Madaxweynaha iyo Taliyaha ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda howlaha amniga, is-dhaafsiga xogaha iyo xoojinta wada-shaqeynta ciidamada, si loo dardargeliyo dadaallada ka dhanka ah kooxaha amniga ka soo horjeeda, loona xaqiijiyo badbaadada shacabka.
Kulankan ayaa qayb ka ah kulamada iyo wadatashiyada joogtada ah ee Dowladda Jubbaland iyo saaxiibadeeda amniga, kuwaas oo looga gol leeyahay xoojinta xiriirka wada-shaqeyn iyo horumarinta dadaallada lagu xaqiijinayo amni iyo xasillooni waarta.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







