
Munaasabadda shirweynaha ansixinta iyo meelmarinta Qorshayaasha Maareynta Dhulka (Landscape Management Plans – LMPs), ayaa abaalmarinno iyo shahaadooyin mahadcelin ah la guddoonsiiyey masuuliyiinta iyo hawlwadeennada Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Jubaland, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay dejinta siyaasadda, diyaarinta iyo isku-dubbaridka qorshayaashan.
Sidoo kale, Wasaaradda ayaa shahaadooyin mahadcelin ah guddoonsiisay guddiyadii farsamo iyo xubnihii sida dhow uga shaqeeyey diyaarinta Qorshayaasha Maareynta Dhulka, iyada oo lagu bogaadinayey dadaalkooda, khibraddooda iyo kaalintii ay ka qaateen dhammaystirka qorshayaashan.
Tallaabadan ayaa muujinaysa sida Wasaaraddu u qadarinayso dadaalka iyo wada-shaqaynta dhammaan dhinacyada ka qayb qaatay diyaarinta iyo meelmarinta qorshayaasha, kuwaas oo laf-dhabar u ah maareynta waarta ee dhulka, ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo horumarinta deegaanka Jubaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







