Wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha Jubbaland oo xarigga ka jaray war-biyood cusub oo laga hirgeliyey deegaanka Jiroole.

0
4
Wasiirka wasaaradda tamarta iyo Kheyraadka biyaha dowladda Jubbaland, oo ay wehliyaan qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada, duqa magaalada Kismaayo, agaasimayaal, odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiin kale, ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray war-biyood cusub oo laga hirgeliyey deegaanka Jiroole, oo qiyaastii 65 KM u jira magaalada Kismaayo.
War-biyoodkan cusub ayaa leh awood kaydin oo ka badan 12,000 mitir kuyuubik (m³) oo biyo ah, waxaana loo dhammaystiray dhammaan qaybihii muhiimka u ahaa nidaamka biyaha.
Mashruucan ayaa qayb ka ah Barwaaqo Project, waxaana maalgeliyey Bangiga Adduunka, iyadoo ay hirgelisay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubbaland.
Ujeeddada mashruucan ayaa ah in bulshada deegaanka Jiroole ay helaan biyo nadiif ah oo ku filan baahiyahooda, si kor loogu qaado caafimaadka, nolosha iyo horumarka bulshada deegaanka.
Hirgelinta mashruucan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo wax ka tari doonta baahida biyaha ee deegaanka Jiroole iyo nawaaxigiisa.