Wasiirka Caafimaadka Jubbaland oo qaabilay wafdi ka socday hay’adda Save the Children.

0
8
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland Mudane Ismaaciil Axmed garas ayaa hoolka Wasaaradda ku qaabilay wafdi sare oo ka socday hay’adda Save the Children.
Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Agaasimaha guud ee wasaaarada caafimaadka
Jubaland Mudane Maxamed xuseen maxamed iyo qaar kamid agaasime waaxeedyada wasaarada iyo saraakisha kale ee wasaarada.
Kulanka kaddib, wafdiga iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta Wasaaradda ayaa kormeer shaqo ku tagay Isbitaalka Guud ee Kismaayo, Isbitaalka Midnimo iyo Xarunta Caafimaadka Waamo, si ay ugu kuurgalaan habsami-u-socodka adeegyada caafimaadka iyo xaaladda xarumahaasi.
Kulanka iyo kormeerka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta Wasaaradda Caafimaadka Jubaland iyo hay’adda Save the Children, horumarinta adeegyada caafimaadka iyo qiimeynta baahiyaha xarumaha caafimaadka.